Salaad Cali Jeelle Oo ka digay in Markale La Doorto Xasan Shiikh (Dhageyso)

0

Siyaasiga salaad cali jeelle oo wareysi siiyay idaacadda simba ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu ku eedeyay dowlada waqtigeda uu idlaaday ee hogaanka uu u hayay Xasan Shiikh Maxamuud in ay ku fashilantay hogaaminti loga baahna.

Salaad ayaa tilmaamay in nasiib daro ay noqondoonto hadii dad soomaaliyeed markale uu hogaan u noqdo xasan shiikh maxamuud oo haatan ah madaxweyne waqtigiisa uu idlaaday.

Dhinaca kale salaad cali jeelle ayaa sheegay in dalka mudo afar sano ah uu mugdi ku jiray dhaqaalaha dalkana uu hoos noqday arintaana waxa uu u sababeeyay madaxda hogaanka dalka heysay mudadaasi.

Salaad cali Jeelle ayaa  sheegay in dhaqaalihi dalka logu talagalay in madaxdi dalka soo martay  4-ti sano ee la soo dhaafay  ay u adeegsadeen danahooda gaarka aha islamarkaana ay sabab ay u yihiin inan la caawin dadka ay abaaruhu ay samaayeen.

Ugu Danbeyn salaad ayaa soo dhaweeyay Go’aanadi xildhibaanada baarlamaanka ay ku doorteen Gudoonka baarlamaanka oo uu tilmaamay in  shaqsiyaadka hadda la doortay ay yihiin kuwo mudan xilalka ay qabteen.

Halkaan Ka Dhageyso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here