Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Magaalada Muqdisho soo gaaray Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.
Safiirka cusub ayaa qorsha uu yahay sida uu ula wareegi lahaa xilkiisa waxana soconeyso qaban qaabada loogu diyaar garoobayo safiirka cusub.
Warka imaatinka safiirka waxaa cadeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Ingiriiska oo tilmaamtay in dhowaan Soomaaliya uu imaan doono safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya, escsns safiirkaan lagu magacaaba David Concar.
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in David Concar in uu imaan doono inta lagu guda jiro Bishan, waxaana shaqada uu kala wareego Safiirka Dowlada Ingiriiska u joogtay Soomaaliya Harriet Mathews.
Safiirka cusub ayaa ah nin wax badan soo shaqeeyay, waxana Dowladda ingiriiska ay sheegtay in mas’uulkaan cusub uu wax badna ka soo qabtay xafiiska arrimaha Dibadda ee Dowladda UK, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Ingiriiska.
Dhinaca kale Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato Howlgalada ka dhanka ah Shabaab, si dalka iyo dadka ay u helaan xasilooni waarta.

