Waxaa xaley gudaha magaalada Johannesburg ee wadanka koonfur Africa lagu dilay muwaadin soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Garaar.
Dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay dileen garaar oo ahaa wiil dhallinyaro ah xili uu ku sugnaa Goob ganacsi oo lagu magacaabo Amal.
Dhallinyarada dilka geysatay oo la sheegay in ay soomaali ahaayeen islamarkaana garaar oo la taagan wiilal kale ay risaas ku fureen balse uu dhaawac soo gaaray marxuumka inkasto mardanbe risaas kale lagu dhameystiray.
Falkaan ayaa loo sababeeyay murano soo kala dhex galay dhallinyarada dilka geystay iyo sidoo kale wiilka la dilay oo hdllinyaro kale isku koox ahaayeen.
Warkaan Waxaa soo diray Wariyaheena Maxamed Xuseen Tuuraq

