Heshiiski Gaas iyo Guuleed Oo aan Ficilkiisa ka Muuqan Magaalada Gaalkacyo

0

Xili dhawaan muqdisho ay heshiis ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug islamarkana ay jireen qodobo lagu heshiiyay ayaan waxaa muuqaneyso inaan weli heshiiskaasi la dhaqan gelin.

Qodobada Heshiiska waxaa ugu muhiimsanaa kala qaadista ciidanka milatariga ah ee kusugan galbeedka magaalada iyo in ladhiso ciidan ilaaliya ammaanka magaalada oo isku dhaf ah ama boolis ka socda labada dhinac.

 

Waxaa muuqaneysa inaan Heshiiskaasi n ilaa hadda si rasmi ah u dhaqan gelin waxaana ciidamada labada dhinac ay kusugan yihiin deegaamadii ay fariisimada kadhigteen dhammaadkii sanadkii hore oo dagaal culusi kadhacay magaalada.

 

Gudiga nabadgelyada gobolka ayaa sheegay inay taageersan yihiin heshiiskaasi islamarkaana dhowaan ladhaqan gelin doono, waxaana la ogayn waqtiga rasmiga ah ee uu fuli doono.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here