Xildhibaan kamid ah Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada Maamulka Jubba-land oo haatan ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ugu waramay kulamo ay la qaateen Madaxweynaha maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe).
C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo dhawaan kismaayo lagu doortay ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulkaas ay kawada hadleen sidii wax loogu qaban lahaa Abaaraha ka jira deegaanada Maamulkaas, maamuk wanaaga iyo sidii xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamulkaas ay si daacad ah u matali lahaayeen shacabka deeganada Maamulka Jubba-land.
“Kulamada aan la qaadanay Madaxweyne Axmed Madoobe waxa ay ahaayeen kuwa la tashi ah, waxaa loogu hadlay arrimaha doorashooyinka dalka Soomaliya ,abaaraha ka jira deeganada Maamulka Jubba-land, sidoo kale waxaa diirada lagu saaray cida ay xildhibaanada Jubba-land dooran lahaayeen”, ayuu yiri C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) .
Xildhibaanada labada Aqal ee ka imaanaya Jubbaland oo ah 51 Xildhibaan ayaa loolanka ugu adag ay ugu jiraan Musharaxiinta sidii ay codkooda u heli lahaayeen, waxaana marka laga soo tago xubnaha ka imaanaya Koonfur Galbeed iyo Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ay yihiin maamulka saddexaad ee go’aamin kara natiijada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya, cododkaasna cida hesha inay xaqiijin karto xilka Madaxweynaha.

