Faah-faahin:-Qaraxyo ay Ku Dhawacmeen Askar Ka Tirsan Amisom iyo Dowladda oo Dhacay

0

Wararka ka imaanaya deegaano ka Tirsan Gobollada Shabeelaha dhexe iyo Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in qaraxyo loo adeegsaday miinooyinka dhulka la galiyo in lala eegtay gaadiid ay la socdeen Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ee deeganada ku sugan.

Mid kamid ah Gawaarida Ciidamada AMISOM oo Marayay duleedka degmada Buula Mareer ayaa waxaa qabsaday qarax  miino xilli uu ku socdaalayay  wadada laamiga ah ee xiriirisa deeganada Buula Mareer iyo Shalaambood, si dhab ah looma oga qasaaraha soo gaaray ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Kuwa AMISOM.

Sidoo kale  qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Miirtaqwa ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Ciidamo ka tirsan Kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya, Qaraxa oo ka dhashay miino lagu aasay goob isbaaro ah oo ay gaadiidka dadweynaha lacago uga qaadayeen Ciidamada Dowladda Soomaliya, waxaa ku dhintay hal Askari iyadoona askari kale dhaawacyo soo gaareen.

Mas’uuliyada qaraxyada waxaa sheegtay Shabaab.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here