Askarigii Dilay Taliye Ku-xigeenkii Ilaalada Madaxtooyada Soomaliya oo Gacanta Lagu Dhigay

0

Warar lagu kalsoonan karo oo laga helayo Laamaha amaanka dowladda Soomaliya ayaa ku waramaya In gacanta lagu soo dhigay askarigii  dilay Taliye ku-xigeenkii Ciidamada Ilaalada xarunta Madaxtooyada Soomaliya Ala Ha u Naxariistee Qoor-gaab.

Askarigaan oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka  Soomaliya ayaa la sheegay  in uu ka baxsaday goobta uu dilka ka geystay iyadoo laamaha dowladda Soomaliya ay ku raad-joogeen maalmihii aynu soo dhaafanay.

Askariga dilka u geystay Taliye ku-xigeenkii Ciidamada Ilaalada xarunta Madaxtooyada Soomaliya oo haatan xiran ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaliya si ay xukun ugu riddo.

31-dii Bishii December aynu soo dhaafanay ayay aheyd markii askariga gacanta lagu soo dhigay uu toogasho ku dilay Taliye ku-xigeenkii Ciidamada Ilaalada xarunta Madaxtooyada Soomaliya Qoor-gaab xili uu ku sugnaa Xafiiskiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here