Wararka ka imaanaya Degmada Qoyooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in saacadihii aynu soo dhaafanay uu ka dilaacay gudaha degmadaas Cudurka Daacuunka islamarkaana tiro caruur ah ay u geeriyoodeen.
C/laahi Maskiin oo kamid mid ah dhaqaatirta degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saakay oo kaliyah 2-ruux ay u dhinteen cudurka daacuunka kuwa kalana ay la ildaran yihiin, isagoo sheegay in aysan jirin xarumo Caafimaad.
“Walaalow degmada Qoyooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyo deeganada hoos yimaada waxaa ka dilaacay cudurka daacuunka, dad badan ayaa u dhintay, saakay aan kula hadlaayo labo ruux ayaa dhimatay, dhaqaatirta waxa ay la talacaalayaan xaalada dadka, gurmad ma haystaan”, ayuu yiri C/laahi Maskiin.

