Xildhibaanada Xubnaha Aqalka Sare oo Wax Musharaad ah Qaadan Doonin Saddexda Bilood ee Soo Socota

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya iyo kan aqalka Sare oo kulan ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ka yimid in ay ansixiyaan miisaaniyadda sanadkan 2017-ka.

Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya , ayaa Xildhibaanada Labada Aqal u soo bandhigay miisaaniyadda 2017-ka, iyadoona uu ka codsaday in ay ansaxiyan.

Intaas kadib Xildhibaanada Golaha shacabka iyo kan aqalka Sare ayaa ku kala qeybsamay go’aanka ay ka gaari lahaayeen ansixinta miisaaniyadda sanadkan 2017-ka, balse intooda badan ayaa u muuqday kuwa diidan In la meelmariyo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamed aadan ibraahim Fargeeti, ayaa sheegay maadaama ay Xildhibaanadu diideen ansaxinta miisaaniyadan, in ay Xukuumaddu Federaalka ku shaqayn doonto saddexda bilood ee soo socda miisaaniyadda sanadkii 2016.

Wasiirka, ayaa wuxuu intaa ku daray in miisaaniyadda 2016-ka, ay meesha ka saareyso mushaaraadka Xildhibaanada  xubnaha Aqalka Sare, waayo Aqalka Sare oo aan jirin xilligii la meelmarinaayay miisaaniyadaasi.

Xildhibaanada Labada Aqal oo diiday in ay ansaxiyaan miisaaniyadda sanadka 2017

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here