Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Heshiis Ka Gaaray Colaada Magaalada Gaalkacyo

0

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland C/kariin Xuseen Guuleed iyo Dr C/wali Maxamed Cali Gaas  ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya  waxay ka wada hadleen colaada magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudu wayna gaareen Heshiis la doonayo in xal looga gaaro colaada ka jirta magaaladaas.

Qodobada ay ku heshiiyeen Labada Madaxweyne ayaa waxaa ka mid ah in si deg deg ah leesugu furo isku socodka dadka iyo gaadiidka Labada dhinac ee magaalada Gaalkacyo iyadoo la kala qaadayo ciidamada.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay in magaalada la geeyo ciidamo Boolis ah, iyo in bisha labaad ee sanadka cusub mar kale leesugu soo laabto mar kale kulan wada hadal ah.

Heshiikaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ee Galmudug iyo Puntland ayaa balanq aaday inay fulinayaan heshiiskaan ay ku gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

gaas-2-1 gaas-2 gaas-3

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here