Inta la xaqiijiyay laba ruux oo isku qoys ahaa ayaa lagu dilay deegaanno hoostaga Degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer kadib markii ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan oo maleeshiyaad ahaa.
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo State Abshir C/casiis oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kooxo maleeshiyaad ahaa ay dad shacab ahaa ay ku dileen deegaanno hoostaga Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay in askar ka tirsan Ciidamada Somali-land ay ka dambeeyeen dilka labada ruux ee Shacabka ahaa.
“Deegaan 60KM u jira degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayay dhacdada ka dhacday, waxaa la dilay odey 90-sano jir ahaa iyo wiil uu adeer u ahaa oo la socday xiligaas waxayna wateen booyad, waa waxba kama jiraan wararka sheegaya in weerarkaas ay geysteen Ciidamada Maamulka Somali-land”, ayuu yiri Wasiir Ku-xigeenka arrimaha Gudaha Maamulka Khaatumo State.

