War Deg Deg:-Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Ilaaalada Madaxtooyada oo Goordhaweyd La Dilay

0

Askari ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaliya ayaa goordhaweyd toogasho ku dilay Taliye ku-xigeenka Ciidamada ilaalada xarunta Madaxtooyada Soomaliya  oo lagu magacaabi jirey Jeneraal Qoor-gaab isagoo sidoo kale dhaawacay askari kale.

Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka xaruntada Madaxyootada Villa Soomaliya, wuxuuna askari uu rasaas ku furey Taliye ku-xigeenka Ciidamada ilaalada xarunta Madaxtooyada , iyo askarigii waardiyaha u ahaa, waxaan u suurta gashay In uu goobta isaga baxsado.

Laamaha amaanka dowladda Soomaliya aynu la xiriirnay way ka gaabsadeen in ay ka hadlaan falkaan lagu qaarijiyay Taliye ku-xigeenka Ciidamada ilaalada xarunta Madaxtooyada Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here