Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Gudoomiyaha degmada Baydhabo Mudane C/laahi Cali Watiinin in uu ka badbaaday isku day oo la doonayay in lagu qaarijiyo.
Kolonyo uu la socday Gudoomiyaha degmada Baydhabo C/laahi Cali Watiinin oo marayay inta u dhaxeysa deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay iyo Degmada Baydhabo ayaa la sheegay in qarax miino dhulka la galiyay lala eegtay, wuxuu gudoomiyaha kusii jeeday xiligaas dhanka Magaalada Baydhabo.
Qaraxa miino ayaa dhacay markii uu gaariga dulmaray, laakiin Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay qaraxa inuu dhacay kadib markii Baabuurka uu gubay islamarkaana dhibaato aysan soo gaarin gudoomiyaha.
Dagaalyahanada xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaasi miino ee la doonayay in lagu qaarijiyo gudoomiyaha , waxayna sheegeen inay dileen Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

