C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha guud ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Baarlamaanka 10-aad ee shalay la dhaariyay uu go’aan ka gaari doono tirada lagu kordhiyay xubnaha aqalka Sare kadib go’aan kasoo baxay Madasha Wadatashiga Qaran.
C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa tilmaamay in go’aanka xubnaha loogu kordhiyay aqalka Sare uu yahay mid u baahan sharci dastuuri ah,islamarkaana Baarlamaanka 10-aad uu kulamadiisa ugu horeeya kaga hadli doono go’aanadii Hogaamiyayaasha Madash Wadatashiga.
‘’Qodobkan wuxuu ka mid yahay howlaha hor yaala xildhibaannada baarlamaankan 10aad ee federaalka oo looga baahan yahay in ay go’aan ka gaaraan, waayo dastuurka waxaa ku qoran aqalka sare in uu ka kooban yahay 54 xubnood oo kaliya, sidaa daraadeed barlamaanka ayaa taa go’aan ka gaaraya’’ ayuu yiri C/kariin Xaaji Cabdi Buux.
Dhanka kale C/kariin Xaaji Cabdi Buux Xoghayaha guud ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ayaa tilmaamay in go’aan ka gaarida doorashada Soomaliya ay xiligaan kasoo wareegatay Hogaamiyayaasha Madasha wadatashiga, Baarlamaanka 10-aad ee Soomaliya loogu fadhiyo hagida doorashada Madaxweynaha Soomaliya.
Dhanka kale mar uu ka hadlayay sharuudaha laga doonayo musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayuu sheegay in dib u eegis lagu sameynayo, gaar ahaan lacagta laga doonayo musharaxa oo dhan $ 30.000 oo doolar.
Ugu dambeyntii C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in 10-cisho gudahooda lagu dooran doono gudoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaliya iyo ku-xigeenkiisa, si loo doorto Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.

