Dowladda Kenya ayaa cabsi ka muujisay in Qaadka soomaaliya ay usoo dhoofiso laga joojiyo kadib markii Xukuumada Soomaaliya ay ku hanjabtay in ay dib-u joojin doonto Qaadka dalka Kenya taa oo sabab u ah tixgelin la’aanta heshiiskii ku aadanaa in tuulimaadyada Mogadishu ka baxa ay si toos ah u gaaraan magaalada Nairobi ee Caasimada dalkaasi Kenya.
Saraakiisha dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in aan la fulin heshiiskii bishii September lagu wada gaaray magaalada Mogadishu oo dowlada Kenya ay ku ogolaatay duulimaadka caasimadaha Mogadishu iyo Nairobi kaa kaa oo ku ekaa 13 december oo wali aan la’fulin.
Todobaadkii aynu ka soo gudubnay qaar kamid ah saraakiisha dowlada Federalka ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowlada Kenya in ay ka aamustay heshiiska labada dhinac ay wada gaareen waxaana mid kamid ah saraakiishaasi xukuumada soomaaliya oo la’hadlay Wargeyska Sunday nation ee kasoo baxa dalka Kenya uu sheegay in amaanka iyo nabad-galyada Garoonka diyaaradaha labada dal laysku haleyn karo isla markaana Cunaqabateynta dhanka safarka ah ee la’sii marayo magaalada Wajer ay tahay ballan kabax oo aan loo dulqaadan Karin.
“Ma dhicin in saddex bilood ka dib la’ tixgeliyo heshiis aan wada gaarnay, taas micnaheedana waxa uu yahay in Kenya balan qaadkeedii aysan ka’soo bixin –anagana waxaana joojin doonaa Qaadka”.
Laga soo bilaabo tan iyo 2006-dii kadib markii dalka ay qasdeen midowgii maxaakiimta islaamka dowlada Kenya ayaa sababo amni dartood u joojisay dhamaan duulimaadydii sida tooska ah kaga imaan jiray magaalada Mogadishu kuna wareejisay dagmada wajeer ka hor in aysan soo gaarin Garoomada diyaaradaha dalka Kenya.

