Hay’adaha amaanka ee dalka Kenya ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday xarun police oo ku taalo deegaank komboni isla markaana ay toogteen mid kamid ah kuwii weerarkaasi soo qaaday oo la sheegay in ay ka tirsaneeyeen dagaalyanada Al shabaab.
Saraakiisha Ciidamada Police-ka ayaa sheegay in si dhaqso ah ula hadleen weeraryahanada isla markaana ay ka dhaga adeegeen iyada oo la dilay mid kamdi ahaa kuwii weerarka soo qaaday halka 8 kale ay baxsadeen.
Intii lagu guda jiray weerarkan ayaa la sheegay in saddex kamid ah saraakiisha Ciidmaada police-ka ay dhaawacmeen iyaga oo loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Taliyaha magaalo xeebeedka Mombasa James akoru ayaa sheegay in weerar-yahanada ay ku hubeysnaayeen baangado iyo seefaf.
“Saddex kamid ah saraakiisheena ayaa laga dhaawacay dhabarka mid kamid ahna dhaawiciisa wuu fudud yahay kadib markii weerar gaadmo ah lagu soo qaaday”, said Mr Akoru

