Cali Maxamed Geedi oo Lagu Eedeeyay in Lacag Loogu Deeqay Soomaliya uu Wiilkiisa Ku Aroosiyay+Dhageyso

0

Maxamed Axmed Koofurow oo kamid ah waxgaradka Mudulood  oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in Raisulwasaarihii Hore ee  Dowladii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi  oo dhawaan ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne uu yahay shaqsi dambi ka galay dalka.

Koofurow ayaa tilmaamay Cali Maxamed Geedi uu amar ku bixiy xiligii uu Raisulwasaaraha Soomaliya ahaa in lalaayo dad Soomaliyeed o daganaa Excontrol ilaa wadda Warshadaha ee Magaalada Muqdisho isagoo u adeegsaday Ciidamado shisheeye.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacago malaayiin ah oo loogu deeqay dowladda Soomaliya isagoo taasi badalkeeda wiilkiisa ugu guuriyay iyadoo arooskaa diyaarado loo adeegsaday.

“Cali Maxamed Geedi dalkaan dambi uu ka galay waa la ogyahay, waa ninkii yiri ha lalaayo dad shacab ahaa oo ku noolaa inta u dhaxeyso Warashadaha ilaa Ex kontorool balcad, Cali sidoo waxa uu lunsaday lacag dhan 50-Million dollarka Mareykanka oo loogu deeqay Soomaliya,taasi badalkeeda wiil uu isaga dhalay ayuu ugu guuriyay iyadoo diyaaro lagu galbiyay arooskaas, Cali uma qalmo in uu madaxweyne ka noqdo dalkaan”, ayuu yiri Nabadoon Maxamed Axmed Koofurow.

Ugu dambeyntii waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaliya In aysan cododkooda siinin Siyaasiga Cali Maxamed Geedi Raisulwasaarihii Hore ee  Dowladii KMG aheyd oo haatan ah Musharax Madaxweyne.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here