Al-shabaab oo Dhacay Ku Dhawaad 70-neef oo Geel ah Deegaanka Buur weyn +Dhageyso

0

Duqa  Degmada Buulo-Barde ee Gobolka Hiiraan Cusmaan Geedi Cilmi   oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ku eedeeyay in deegaanka Buur weyn oo hoos yimaada Degmada buulo Barde ay ka kaxeysteen 70-neef oo Geel ah.

Cusmaan Geedi Cilmi  ayaa sheegay in xoolaha la dhacay ay lahaayeen dad xoolo dhaqato islamarkaana dagaalyahanada Al-shabaab ay ku amreen in ka bixiyaan Sakawaad dadkana ay diideen amarkaas.

“Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab aya xoolo kor u dhaafaya 70-neef oo geel ah ka dhacay dad xoolo dhaqato ah oo ku nool deegaanka Buur weyn oo hoos yimaada Degmada buulo Barde ee Gobolka Hiiraan, kulan ayaan arintaas ka yeelanay anaga iyo taliska AMISOM ee Gobolka  jawaab ayaa laga bixin doonaa”, ayuu yiri Cusmaan Geedi Cilmi  .

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay dhac u geysteen xoolo ay lahaayeen dad shacab ah, waxaa sidoo kale jirey dagaalo u dhaxeeyay Shbaab iyo xoolo dhaqato oo ka dhacay Gobolada Jubada Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here