Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land ayaa goordhaweyd xaqiijiyay in 24-ka bishaan December ay bilaaban doonto doorashada Xubnaha aqalka Sare Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya Goboladaas.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in la xaliyay caqabado hortaagnaa bilaabashada doorashada xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land, islamarkaana ay gudda gali doonaan doorashada.
Xubnaha kasoo jeeda Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land ayaa ku eedeeyay Madax ka Tirsan dowladda Federaalka Soomaliya in ay hortaagan yihiin bilaabashada doorashada xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya Goboladaas.

