Faah-faahin:- Xiisad u Dhaxeyso Xoolo Dhaqato & Al-shabaab oo Duleedka Kismaayo Ka Jirta

0

Xaaladda duleedka Magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa saakay degan kadib markii shalay  ilaa xalay ay ku dagaalameen dad xoolo dhaqato ah iyo dagaalyahano ka Tirsan Xarakada Al-shabaab oo dadka ku amray in ay bixiyaan lacago Sakawaad ah.

Inta la xaqiijiyay dagaalkii shalay ilaa xalay waxaa ku dhintay 11-qof oo u badnaa dhinacyadii dagalaamay, waxaa sidoo kale Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Jubba-land oo dagaalka ku biiray kuwaasi oo garab siinayay dadka xoolo dhaqatada ah .

Dhanka kale warar lagu baahiyay baraha Xarakada Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada shabaab ay dileen 6-askari oo ka Tirsanaa Ciidamada dowlad Goboleedka  Jubba-land Soomaliya oo dagaalka qeyb ka ahaa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here