Akhriso:-Qodobada ay Isku Raaceen Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaran

0

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa wali waxa uu ka soconayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya, iyadoo hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaar kamid ah qodobadii lagu muransanaa ay isku afgarteen.

Madaxda Madasha oo tan iyo jimcihii shir ku lahaa Madaxtooyada Soomaliya ayaa go’aanka kaliya ee ay isku raaceen ayaa ah  diidmada kiiskii 11-ka kursi ee ay laaleen dhawaan  Guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashooyinka kadib markii ay sheegeen in xubnahaas ay kusoo baxeyn si masuq-maasuq ah.

Dhanka kale wali waxa uu muran ka jiraa xubnaha Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ama Maamulka Somaliland oo wali aan la dooran is qab qabsi iyo muran ka yimid awgeed dib loogu dhigay, sida dhawaan ay shaaciyeen Guddiga doorashooyinka Soomaliya.

Xalay Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan ka yeeshay  arinta Aqalka sare ee Somaliland, gaar ahaan labada kursi ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana Puntland ay dooneysa sad-bursi ku aadan sidii labada xubnood ay u qaadan laheyd sida wararka ay sheegayaan.

Dhanka kale Xubnaha Madasha ayaa waxaa kaloo ay soo jeedinayaan in shuruudo hor leh lagu xiro xubnaha Musharaxiinta ee u tartamaya xilka Madaxweynaha, waxaana shuruudahaas ka mid ah in Musharax walba uu bixiyo lacag dhan $30,000 (Soddon kun oo dollar) sidoo kale la yimaado 20 Xildhibaan taageersan Musharaxnimadiisa.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here