War Deg Deg:-Mid Kamid Ahaa Ergooyinkii Soo Doortay Xildhibaanada Aqalka Hoose oo Goordhaweyd La Dilay

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Xaafadaha Mac-macaanka ee degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in kooxo hubeysan ay gudaha degmadaas ku dileen mid kamid ahaa Ergooyinkii soo doortay Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Ala Ha u Naxariistee Maxamuud Maxamed Sabriye oo sidoo kale goob ganacsi oo lagu iibiyo kabaha ku lahaa degmada Dharkinley ee Gobolka Banaadir  ayaa caawa la dilay xiligii maqribkii,waxaana dilkiisa ka dambeeyay rag ku hubyesnaa bastoolada oo goobta isaga baxsaday dilka kadib sida goob joogayaal u sheegeen idaacadda Simba.

Ciidamo ka Tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray, iyagoo ka sameeyay howlgal, inkastoo aan la ogeyn shaqsiyaadka loosoo qabtay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here