Madaxweynayaasha Turky-ga iyo Ruush-ka oo Ka Hadlay Dilkii Ergayga Moscow ee Ankara

0

Madaxweynaha Turkish Tayyip Erdogan ayaa sheegay in isaga iyo dhigiisa dalka Ruushka Vladimir Putin labadoodaba isku raacsan yihiin in dilkii Ergayga Moscow ee Ankara uu ahaa fal ay ka danbeeyaan kuwa raadinaya in ay burburiyaan xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

“Waxaan ognahay in tani ay tahay ficil ula kac ah oo loogu talagalay in lagu burburiyo habka caadiga iyo xiriirka ka dhexeeya Turkey iyo Russia,” ayuu yiri Erdogan oo si toosa uga hadlay telefishanka ka dib markii uu telefoonka kula hadlay Putin.

Andrey Karlov Ergayga Moscow ee Ankara ayaa toogasho lagu dilay, isagoo hadal ka jeedinaya furitaanka madxaf lagu soo bandhigay sawirro oo la magac baxay “Ruushka sida ay u arkaan Turkiga”.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here