Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshay Xildhibaano hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka waqtigiisa dhamaaday iyo siyaasiyiin Soomaliyeed oo dhamaantooda loogu guuleystay doorashooyinkii ka dhacday xarumaha Maamul Goboleedyada dalka ka jira.
Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kulanka isugu yimid ayaa ku eedeeyay Guddiga Doorashooyinka Soomaliya uu sameeyay wax aan indhaha laga qabsan Karin islamarkaana ay qaar kamid ah kuraasta la doortay in ay ku qaateen lacago Laaluusha ah sida ay hadalka u dhigeen xubnaha maanta kulmay.
Waxa ay sheegeen xubnaha Maanta ku kulmay Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaliya in ay gudbinayaan dacwad ka dhan ah guddiga xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dadban taas oo ay la tiigsan doonaan maxkamadda dambiyadda adduunka ee Hague ee dalka Holland iyo tan gudaha dalka.
Abukaate Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo horay uga mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, laakiin looga guuleystay doorashadii ka dhacday Puntland, ayaa sheegay in dalka aysan ka dhicin wax doorasho lagu tilmaami karo, isaga oo intaa ku daray in arintan aan marnaba laga aamusi Karin.

