Taliyaha  Booliska Soomaliyeed oo Hambalyo u Direy Dhamaan Ciidamada Booliska+Sawirro

0

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud oo Hambalyo ku aadan xuska 73 guurada ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka bisha December oo ah maalinta berrito u diray dhamaan Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, Dambleyda iyo dhamaan Ciidanka Booliska iyo xaasaskooda in Sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Sareeye Gaas Maxamed Shiikh Xasan Xaamud Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed  ayaa tilmaamay in Ciidamada Booliska Soomaliyeed ay yihiin Saaxiibka kowaad ee bulshada,islamarkaana uu ku shaqeeyo daruuru kala duwan.

Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay inay sii labo jibaaraan howsha adag ee loo idmaday, isagoo shacabka ka codsaday in ciidanka ay gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo xilsaaray.

20-kii December sanadkii 1943 ayay ahayd markii la unkay ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaana ay maalinta berito ah ku beegantahay 20 december oo ah 73 guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska.

b1-1 b2-1 b3 b4

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here