Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Puntland oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Degmada Qandala

0

Qoraal ay ku baahiyeen barta Twitter-ka Ururka Daacish ayay kaga hadleen dagaal iyaga Ciidmada Maamulka Puntland ku dhexmaray  buuraha koonfureed ee degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Qoraalka kasoo baxay kooxda Daacish-ta Soomaliya ayaa lagu sheegay in ay dagaalkaas ay soo qaadeen ciidamada maamulka Puntland, ayna ka dileen 11 askari oo uu ku jiro Taliye sare oo ka tirsan ciidanka Maamulka Puntland oo ay magaciisa ku sheegeen Hurre Hiirad Yuusuf oo dhaawac u geeriyooday.

Kooxda Daacish-ta waxa ay sheegtay in ay degmada Qandala ee Gobolka Bari ee deeganada Maamulka Puntland  kula dagaalameen ciidamada maamulkas iyo ciidamo maraykan ah kuwsi oo kusoo kiciimay saldhig ay ku leeyihiin Magaalada Gaalkacyo.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Puntland oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay buuraha koonfureed ee degmada Qandala ee Gobolka Bari.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here