Safiirka Ruushka Andrei Karlov ayaa toogasho lagu dilay magaalada Ankara

0

Safiirka Ruushka ee Turkiga, ayaa nin hubaysan uu ku toogtay magaalo madaxda Turkiga ee Ankara, isagoo booqanaya matxaf sawirro lagu soo bandhigay.

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka, maalin kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka ee dagaalka Shiinaha.

Sida uu sheegay TV Ruush ah, safiirka ayaa booqanayay madxaf lagu soo bandhigay sawirro oo la magac baxay “Ruushka sida ay u arkaan Turkiga”.

Wararka ayaa sheegaya ninka hubaysan in boliiska ay dileen.

Video laga duubayay munaasabada ayaa muujinaya Mr Karlov oo jeedinaya qudbo markii ay xabada dhacaysay.

Warbaahinta Turkiga ayaa durbadiisa aqoonsatay ninkii ka dambeeyay dilka Safiirkii Ruushka u fadhiyay Turkiga Andrei Karlov, kaasoo xalay la dilay.

Ninka dilka geystay ayaa lagu magacaabaa Mevlut Mert Aydintas, waa 22-jir, waxaa uu ahaa askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee ka hor-taga rabshadaha.

safiir-toogasho1 safiir-toogasho2 safiir-toogasho3 safiir-toogasho4

_93031978_7156f39a-a5fc-4c47-863f-4dec1ab43e68-1 _93035897_036958909-1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here