Rag ku hubeysnaa Baangado islamarkaana aan la ogeyn halka ay kasoo jeedaan ayaa ka geystay deegaan ka tirsan Gobolka Sool fal ay aad kaga naxaeen dad aad u fara badan, markii ay arkeen.
Labo Caruur oo da’dooda lagu qiyaasay 7-jir ayaa waxaa weerar ku qaaday rag ku hubeysanaa Baangado, waxayna mid kamid ah ay kasoo rideen caloosha kadib markii ay baangada ay si xun ula dhaceen , halka midka labaadna qeybaha kale ee jirkiisa lagu jar jaray baangada, sida ay muujinayaan sawiro lasoo bandhigay.
Falkaan Naxariis darada ah ayaa ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sool gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Dharkayn Geeyo, halkaas oo ay horey ugu dagaalameen labo beelood oo walaalo ah.


