Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib ugu bilaabatay doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land ku matalaya baarlamanka Federaalka Soomaliya.
Doorashada Maanta dib ugu bilaabatay xarunta Gaadiidka Booliska Degmada C/casiis ayaa ka dambeysay kadib markii Kulan Guddiga Federaalka ee doorashooyinka dadban iyo Guddiga doorashooyinka xubnaha ka soo jeeda Somaliland shalay gelinkii dambe ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay uga hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa doorashada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi.
Illaa lix xildhibaan oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Haween ayaa maanta la doortay, iyadoo xubnaha qaar ee guuleystay ay ahaayeen Xildhibaano cusub
Kursiga Beesha Ciise, Dalool, Furlabe ayaa waxaa ku guuleysatay Khadra Maxamed Tukaale oo heshay 25 cod, halka Sacaada Aadan Axmed ay heshay 22 cod, sidaas darteed waxay guusha raacday Kharda Tukaale.
Ismaaciil C/raxmaan Bashiir ayaa ku guuleystay Kursiga Beesha Sacad Yoonis, kaddib doorasho adag oo wareeg labaad la isla heelay, waxaa uu helay 33 cod, isagoo ka guuleystay Xildhibaan difaacanayay kursigaas.
Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku guuleystay kursiga Beesha Ciise, gaar ahaan Jufada Haroone, waxaa uu helay 25 cod, waxaana uu si dirqi uga guuleystay Xaamud Cali Xasan oo ahaa Wasiir kuxigeenka Waxbarashada, waxaa uu Xaamud helay 22 cod, iyadoo 48 ergo kaliya ay codeyneysay Kursigan.
Sidoo kale waxaa Kursiga Beesha Sacad Yoonis waxaa ku guuleysatay Faadumo Ismaaciil Xuseen oo heshay 47 cod.
Suuri Diiriye Carab ayaa mar kale difaacatay kursiga ay ku fadhisay ee Beesha Habar Jeclo/ Maxamed Abokor, waxaa ay heshay 37 cod.
Doorashadii ugu yaabka badneyd ee Kursiga Beesha Ciise/Walaaldoon ayaa waxaa ku tartamayay labo walaalo oo kala ahaa C/raxmaan Axmed Suge iyo Maxamed Axmed Suge.
C/raxmaan Axmed Suge ayaa ku guuleystay 24 cod, halka Musharaxa kale ee walaalkiis Maxamed Axmed Suge uu helay 4 cod, waxaa doorashada kursiga xumaaday illaa 18 cod, waa cododkii ugu badnaa ee hal kursi xumaada.









