Maamulka Jubba-land ayaa sheegay in Ciidamada Dowladd Goboleedka maamulkaas dagaal xoogan ay ku jabiyeen Ciidamada Xarakada Al-shabaab kaasi oo ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo.
Dagaalada ayaa ka dhacay deeganada kala Xeer-Xaani Kaamjaroon Golashimbi iyo Kaamjaroon, ee Gobolka Jubada Hoose,waxayna Mas’uuliyiinta Maamulka Jubba-land ay sheegeen in dagaalka lagu jabiyay Xarakada shabaab.
Dagaal culus oo shalay ka dhacay dhamaan deeganadan aan soo xusnay ayaa la sheegay in qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira in lagu gaarsiiyay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, saraakiisha Hogaaminaysa dagaalka ayaa sheegay in shabaab laga dilay 15-askari iyo sidoo kale gacanta lagu dilay sarkaalkii Hogaaminaayay dagaalka oo dhaawac ahaa.
Ciidamadu hawlgalkaas waxay kusoo furteen qaar badan oo kamid ah geel ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah iyadoo wali hawlgalku uu socdo oo lagu daba jiro qaarka kale sida uu saaka ka sheegay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

