Wafdi uu Hogaamiyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta u duulay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, isagoo diyaarad gaar ahi ay ka qaaday Garoonka diyaaradaha magaaladda Boosaaso.
Raisul Wasaare Sharmaarke oo ay weheliyeen xildhibaano ka tirsan barlamaanka cusub iyo ilaaladiisa ayaa saaka hiirtii waaberi diyaarad ka raacay garoonka Garoowe, ka dibna ku hakaday garoonka diyaaradaha Bosaso, halkaasi oo uu ka sii qaatay diyaarad kale oo dowladda imaraadku soo kiraysay, halka xildhibaanadii, Ilaaladiisii iyo shaqaalaha xafiiskiisa ay diyaarad kale u qaaday magaaladda Muqdiso
Ujeedka safarka Raisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya ee dalka Isutaga imaaraatka Carabta lama shaacin, balse waxaa la filayaa in uu la xiriiro arrimo khuseeya Ololihiisa doorashada,iyadoo la sheego in dalkaas uu taageero weyn ka haysto.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo haatan wada olalahooda dhanka Doorashada, ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu shalay booqday Safaaradda dowladda Imaraadka ay ke leedahay magaaladda Muqdisho, halkaasi oo uu kula kulmay Safiirka iyo diblamaasiyiinta kale ee Safaaradda.
Gabagabadii, Safarka cumar Cabdirashiid ee Imaraadku wuxuu ku soo beegmay iyadoo 14 maalmood oo kaliya ay ka hartay doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya.

