Akhriso:-Digniino Loo jeediyay Hoteelada, Jamacadaha, Isbitaalada, Shirkadaha Ganacsiga Dalka

0

Warqad kasoo baxday Xafiiska Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya ayaa digniintii ugu dambeysay waxaa loogu direy Hoteelada, jamacadaha, Isbitaalada, Shirkadaha Ganacsiga, iyo Hay’addaha ka howlagala guud ahaan dalka oo ku aadan in ay u sameeyeen  shaqaalaha ajaanibta ee u shaqeeya ruqsadii ee dalka ku joogi lahaayen.

Ku:dhamaan Hay’addaha dalka Gudihisa ku Shaqeeya

Ku:dhamaan Isbitaalka gaarka loo leeyahay

Ku: dhamaan Jaamacadaha dalka ka Furan

Ku:dhamaan Hoteelka Gaarka loo leeyahay

Ku:dhamaan Shirkadaha dalka Ka Shaqeeya

Og: agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha

Ujeedo:- wargalin deg deg ah

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaliya waxaa  si xushmad leh iyo qadarin mudan idin kugu wargalinaysaa in shaqaaalaha ajaanibta ah, ee idin shaqeeya ee sharcidarada dalka ku jooga aad u sameysaan ruqsadii ay ku joogi lahaayeen dalka mudada bisha December ka hartay.

Sanadka Cusub ee 2017-ka waxaan bilaabaynaa  baaris guud oo lagu hubinayo ajaanibta sharciga leh iyo kuwa aan sharciga laheyn, cidkasta oo la qabto oo aan sharci haysan waxaa loo gudbinayaa Maxkamadda ku shaqada leh, kadibna waxaa laga saari doonaa dalka, sidaas darteed waa digniintii ugu dambeysay aan idin soo gudbinayno.

Mahadsanidiin

Gaashaanle Sare  ibraahim Xuseen Xirsi

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here