Akhriso:-Guddiga Doorashooyinka oo Sheegay in ay Bilaabeen Bixinta Shahaadooyinka La Siinaayo Xildhibaanada

0

Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka, ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeen bixinta Shahaadooyinka la siinaayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Federalka Somaliya.

Guddiga ayaa sheegay Xildhibaanada aanan kiisaska dacwadaha ah ka oolin Xafiiska Guddiga Xalinta Khilaafaadka dalka in la siinaayo Shahaadooyinka iyo Aqoonsiga Xildhibaanimo ID-Card.

Warqad ka soo baxday Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka ayaa loogu yeeray Xildhibaanada inay tagaan Xarunta Villa Hargeysa, si ay halkaasi uga qaataan Shahaadooyinka.

1481606791ddae5.jpg

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here