Wasiiru ka tirsanaa Maamulka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen maamulkaas kadib markii ay dareemeen in masuq-maasuq baahsan uu ka dhex jiro dowlad Goboleedka Galmudug oo xarun KMG ah ku leh Magaalada Cadaado.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Galmudug kadib masuq-maasuq badan uu dareemay in ay wadaan madaxda ugu sareysa maamulka galmudug.
Sidoo kale Cali Daahir Ciid ayaa ku eedeeyay madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug in ay faraha kula jireen doorashada aqalka hoose ee dhawaanahaan ka socotay Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Wasiir Ku-xigeenka Jaaliyadda iyo Maalgashiga Dowlad Goboleedka Galmudug C/salaan Ibraahin Faarax ayaa isna Galabta ku dhawaaqay inuu Iska Casilay Xilkii uu ka Hayay Galmudug.

