Guddiga Xabad joojinta ee dhawaan ay Magacaabeen Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa kormeero ku tagay goobihii dhawaan ay dagaalada ay ka dhaceen ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolk Mudug.
Gudoomiyayaasha gobolka Mudug ee Maamulada Puntland iyo Galmudug,Nabadoono iyo Ganacsato ayaa kormeer ku tagay xarumihii dhawaan la geeyey ciidamada kuwaas oo la hubinayey inay ciidamadii kala joogaan jiidii ay ku sugnaayeen ee dhawaan la geeyey.
Maxamed Khaliif Abgaalow gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland oo gudoomiye u ah gudigaasi iyo gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Galmudug C/rashiid Xaashi Cartan ayaa hogaaminayay Guddigaan waxayna Ciidamada ay la kulmeen kula dardaarmeen in ay xoojiyaan xabad joojinta.






