Ciidamada amaanka dalka Masar ayaa xirey dad iskugu jira Dhakhaatiir,kalkaaliyaal Caafimaad iyo Profasoro lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin urur caalami ah oo ka ganacsada xubnaha aadanaha.
Dad kor u dhaafaya 25 ruux ayaa loo xirey arrimahan xiriirka la leh ka ganacsiga kuwaasoo ay kamid yihiin dad iibsada xubnaha jirka aadanaha iyo kuwo dalaaliin ahba. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dowlada Masar ay gacanta ku dhigtey lacag malaayiin dollar ah iyo dahab faro badan.
Dalka Masar ayaa waxaa ka mamnuuc ah in xubnaha jirka bani’aadanka la iibsado balse waxaa jira dad ay saboolnimo ku kaliftay inay iibiyaan xubno kamid ah jirkooda.
Kooxdan ka ganacsanaysay xubnaha aadanaha oo ka kooban Masaari iyo Carab ayaa lagu tilmaamay inay tahay tan ugu weyn ee caalamka ka jirta,waxayna dowlada Masar sheegtay in ay ka faa’ideysanayeen duruufaha dhaqaale ee soo foodsaara dadka.
Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Masar in ay ku lug leedahay eedeemaha ku aadan ka ganacsiga xubnaha aadanaha, oo ay maamusho isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaala dalkaas.

