Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waxa xalay lagu soo gaba-gabeeyay doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya iyadoo maamulka koonfur Galbeed uu noqday maamulkii labaad ee soo dhameystira xubnihii loogu baahnaa.
Xalay Waxaa Magaalada Baydhabo lagu doortay labadii Xildhibaan ee ugu dambeeyay, sida ay xaqiijiyeen Guddiga Doorashooyinka ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada xalay lagu doortay Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya , ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen (Badni) iyo Xasan Macalin Xuseen.
Xildhibaanada guud ee lagu doortay Magaalada Baydhabo ee Koonfur galbeed Soomaliya , ayaa waxa ay noqonayaa 69 Xildhibaan, kuwaa oo Koonfur Galbeed ku metelaya Aqalka Hoose.
Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa bishii November ynu soo dhaafnay soo gaba gabeeyay soo xulista Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya , iyadoo Magaalada Kismaayo lagu doortay 43 Xildhibaan.

