Ururka OIC oo Soo Saaray Tirada ay Saameysay Abaarta Ka Jirta Soomaliya

0

Warbixin uu soo saaray Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka marka magaciisa loosoo gaabiyo loo yaqaano OIC ayaa lagu sheegay in gurmad deg deg ah uu ka fulinayo Ururka Gudaha  Somaliya xili ay sii korortay abaarta jirta.

“Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka Xafiiskiisa Soomaliya waxa uu diyaar u yahay isagoo taageero ka helaya wadamada qeybta ka ah ururka in loo gurmado dadka abaarta ay saameysay si loogu hortago in abaarta ay saameyso deegaano kale”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay ururka Maalintii axad aheyd

Abaarta Soomaliya ka jirta xiligaan ayaa ah mid aad u saameysay dad aad u fara badan meelo badan oo ku yaala Gobolada dalka Soomaliya waxaa laga soo sheegayaa in abaarta ay u dhinteen dad iyo duunyo fara badan.

Ururka Iskaashiga Waddamada Islaamka  OIC,ayaa sidoo kale sheegay  in 760,000 oo Qof ay rasmiyan u saameysay abaarta iyaga oo ku nool bartamaha iyo Waqooyiga dalka oo ah halka ugu daran ee ay ka jirto abaarta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here