Taliska Booliska Magaalada Boosaaso ee Puntland oo ay wehlinayeen saraakiil sare sare oo ka Tirsan Booliska Puntland ayaa kulan loogu hadlaayo amaanka waxa ay la qaateen Mas’uuliyiinta Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
Kulankan ayaa u jeedkiisu ahaa wargalinta Wareegto Taliska Booliska Maamulka Puntland uu ku mamnuucayay in Masuuliyiinta Puntland ee aanan ahayn Madaxweynaha Puntland ,ku xigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlmaanka aysan Garoonka boosaaso la so galin karin Waardiye iyo Hub intaba.
Ugu horeyntii Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland General C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Laamaha Amniga Garoonka Diyaaradaha Bossaso amray in Amarkaas siduu yahay u fuliyaan,Maadama Garoonku yahay halka laga Akhrisanayo Amniga.
Taliyaha Booliska Puntland General Erag ayaa Sheegay in Golayaasha Puntland uu sida ugu dhaqsiyaha Badan ugu gudbin-doono Wareegtadan uu ku mamnuucayay in Garoonka Madaxda puntland ee aanan ahayn Xubanaha sare ay la yimaadan waardiyaal,kuwaaso uu sheegay in cabsi galin karaan dadka ka so dagaya Garoonka Caalamiga ah ee Bossaso.

