Madaxda Puntland iyo Galmudug oo Kormeero Ku Tagay Goobihii Lagu Dagaalamay+Sawirro

0

Gudoomiyayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ee Gobolka Mudug ayaa kormero ku tagay goobihii dhawaanahaan ay kuwada dagaalameen Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Mas’uuliyiinta oo warbaahinta kula hadlay goobaha ay kormeerada ku tageen ayay sheegeen in xaalada Magaalada Gaalkacyo ay xiligaan tahay mid aad u wanaagsna tan iyo markii lagu heshiiyay xabad joojinta.

Ugu horeyntii Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Galmudug Cabdirashiid Carte ayaa sheegay in ammaanka uu wanaagsan , islamarkaana dadka shacabka ah looga baahan yahay in ay kusoo laabtaan Magaalada.

Dhanka kale Xasan Maxamed Khaliif (Abgaalow) Gudoomiyaha gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa dhankiisa sheegay in ay damaanad qaadeen ammaanka Magaalada Gaalkacyo sidaas darteedna loo baahan yahay in dadka shacabka ah ay kusoo laabtaan Magaalada.

1480920174b71b7 1480920186aadcf 14809201785b4e8 14809201823d90b 14809201903b59b 14809201919b5f5 1480920180271f4 148092017515165 bosaso-9

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here