Gudoomiye Ku-xigeenkii Kowaad ee Baarlamaanka Soomaliya oo Kusoo Baxay Doorashada Ka Socota Muqdisho

0

Gudoomiye Ku-xigeenkii kowaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya Mudane Jeylaani Nuur iikar ayaa maanta ku guuleystay kamid noqoshada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaliya ku matalaya beelaha banaadiriga kadib doorasho ka dhacday xarunta gaadiidka Booliska Degmada C/casiis.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa helay 28 cod, halka Musharaxa la tartamayay C/casiis Cusmaan uu helay 23 cod , waxaana ay aheyd doorasho aad u adkeyd oo labada musharax ee ku tartamayay Kursiga Beesha Shaanshi ee beelaha Banaadiriga uu loolan adag ka dhaxeeyay.

Gudoomiye Ku-xigeenkii kowaad ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya Mudane Jeylaani Nuur iikar  ayaa la hadal hayay in uu codod badan kusoo bixi karo balse  cododkii uu ku xaqiijiyay in kusoo baxay ayuu helay qeybihii dambe kadib markii uu sameeyay olole xoog leh, oo uu cododka qaar lacago badan ku bixiyay.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban Abuukaate Cumar Maxamuud Cumar  Dhagey ayaa ku dhawaaqay ugu dambeyntii natiijada doorashada isagoo sheegay in jeylaani Nuur iikar uu xilka ku Guuleystay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here