
Xiriiriyaha arrimaha bini aadminimada ee Qaramada Midoobay u qaaabilsan Somalia Peter de Clercq,ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka in caawimaad deg deg ah ay u fidiyaan dadka abaaruhu ay ku haystaan Somalia, kuwaas oo hadda wajahaya cuno iyo biyo yari.
“Abaaraha ka taagan deeganada Somaliland iyo Puntland waa ay kasii darayaan waxaana ay ku sii fidayaan bartamaha iyo koonfurta Somalia xaaladuna waxaa ay tahay mid aad ugu adag qoysaska taagta daran”sidaas waxaa warbaahinta u sheegay xiriiriyaha arrimaha bini aadminimada ee Somalia xili uu ku sugnaa magaalada Nairobi,waxaana uu muujiyay in jawaab deg deg ah ay u baahanyihiin dadka abaaruhu ay ku haystaan.
Mr. de Clercq, ayaa waxaa uu intaas ku daray in xaalada abaaruhu ay tahay mid aad looga walwalo aadna ay uga sii daridoonto hadii aan jawaab deg deg ah laga bixin.
Xafiiska Xiriirka arrimaha bini aadminimada ee Qaramada Midoobay ee magaciisa loosoo gaabiyo (OCHA) oo warbixintaan soo saaray ayaa sheegay in meelaha ugu daran ay tahay waqooyiga Somalia halkaas oo roob yaraan ay ka jirtay mudooyinkii ugu dambeeyayay.
