Wararka ka imaanaya degmada Qandala ee gobolka bari oo gacanta ay ku hayaan xoogaga daacish ayaa ku waramaya in rag ka tirsan daacish ay degamdaasi ku gowraceen sadex nin oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dadka deegaanka.
Dadka la gowracay waxaa kamid ah wakiilkii shirkadda Golis ee qandala iyadoona sidoo kale rag kale weli gacanta ay ku hayaan kooxda.
Saraakiil ka tirsan maamulka puntland ayaa xaqiijiyay in saddex qof oo shacab ah ay ciidamada daacish ku dileen gudaha degmada lamana shaacin sababaha dadkaan loo dilay.
Dadki ku noola degmada qandala ayaa badi isaga barakacay degmada, waxana dadka ay gaareen deegaano ka tirsan gobolka bari.
Kooxda daacish ayaan weli ka hadlin dadka lagu eedeyay in ay gowracan islamarkaaa laga helay bartamaha degmada qandala.
Dhinaca kale ciidamada maamulka puntland ayaa gaaray meelo aan ka fogeyn qandala iyadoona kooxda daacish ay fariisimo cusub ka sameysteen tuul;ooyin ku dhow degamda qandala ee gobolka bari.

