Xildhibaankii Ugu Horeeyay ee Beelaha Banaadiriga oo Magaalada Muqdisho Lagu Doortay

0

Xarunta Gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir waxaa maanta ka bilowday doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga ku matalaya Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya beelahaas.

Kursigii ugu horeeyay ee beelaha banaadiriga ku matalaya Baarlamanka federaalka Soomaliya waxaa ku guuleystay Khaalid Mocow C/qaadir wuxuuna ka guuleystay Shariif Maxamed.

Labada Mas’uul oo isku heyb ah ayaa ku tartamay Kursiga Beesha reer Faqi ee Beelaha Banaadiriga oo 12-ii sano aynu soo dhafnay uu ku matalayay Baarlamaanka Federaalka Soomaliya Mudane Shariif Maxamed Siidii.

Doorashadan oo aheyd mid xiiso leh ayaa 29 cod waxaa ku guuleystay Khaalid Mocow C/qaadir, halka Shariif Maxamed Siidii uu helay 21 cod, waxaana codeynayay 50 ergo, iyadoo hal ergo uu goobta ka maqnaa.

Guddoomiyaha degmada Shingaani  ee Gobolka Banaadir C/qaadir Maxamed C/qaadir oo ka mid ahaa Musharaxiinta Kursigaan loolan ugu jirey ayaa goor dambe ku dhawaaqay inuu ka tanaasulay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here