Maryan Xuseen Maxamed oo Kamid Noqotay Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya

0

Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug wali waxaa ka socoto doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deeganada Maamulkaas.

Marwo Maryan Xuseen Maxamed oo heshay 48-cod ayaa maanta kamid noqotay Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deegaanada maamulka Galmudug waxayna ka guuleysatay Ikraan Cabdi Nuur oo heshay 3-cod.

Magaalada Cadaado ee caasimada KMG ee Maamulka Galmudug waxaa sidaan loogu doortay 25-xubnood oo kamid noqonaya baarlamanka Federaalka Soomaliya waxaa kaliyah harsan 11-xubnood oo kamid ah 36-da xubnood ee loo qondeeyay dowlad Goboleedka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here