Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Matarella ayaa Warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay danjiraha cusub ee Dowladda Federalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Talyaaniga, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.
Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Magaalada Roma ayuu sidoo kale Madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Matarella waxa uu Danjire Cabdiraxmaan ka guddoomay Dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Talyaaniga Mr Sergio Matarella ayaa markuu warqadaha aqoonsi safiirnimo ka gudoomay Denjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise waxa uu sheegay in dowladda Talyaaniga ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto gudashada waajibaadkiisa shaqo.
Dhanka kale Danjire Cabdiraxaman Sheekh Ciise, ayaa Madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Matarella, ugu warbixiyay xaaladda dalka Soomaaliya, iyo sida ay dowladiisa ugu qanacsan tahay taageerada ay la garab taagan tahay Talyaaniga, waxa uuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalka Taliyaaniga ka hawlgalo asigoo safiir ah, waxa uuna sheegay inuu wadashaqeyn buuxda la yeelan doonno dowladda iyo shacabka Talyaaniga.



