Faah-faahin:-Weerar Qorshaysan oo Ka Dhacay Deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose ayaa ku waramaya in Ciidamo dowladda iyo ajaanib in xalay saqdii dhexe ay weerar qorshaysan ay ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay halkaas ku lahaayeen.

Weerarkaan oo dhacay xalay ayaa dadka deegaanka Tooratoorow waxa ay sheegeen Diyaarado helicopter ah inay ku soo dageen duleedka deegaankaas, waxaana ka soo daatay ciidamo Ajnabi iyo kuwa Somali isugu jira, kuwaasi oo u dhaqaaqay dhanka deegaanka Tooratoorow gudihiisa oo saldhig Malatari ay ku leeyihiin Al-shabaab.

Lama Ogo ilaa haatan qasaaraha ka dhashay weerarka qorshaysan ee xalay Lagu qaaday Deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose oo dhowr jeer oo hore sidaan weerar loogu qaaday.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Xarakada Al-shabaab ay ugu hadlaan weerarka xalay ka dhacay deegaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here