Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa maanta ka furmay kulan looga hadlayay dardargelinta doorashooyinka Aqalka hoose ee xiligaan ka socda deegaanada dowlad Goboleedyada dalka jira.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating, gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhegey, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Gudoomiyaha Guddiga heer Qaran ee doorashooyinka 2020-ka Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo yareey”.
Wakiilka Guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Denjire Micheal Keating oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay iney muhiim tahay dedejinta doorashooyinka, isagoo tilmaamay in muhiim ay tahay in la soo dhameystiro doorashooyinka Aqalka hoose xiligaan ka socda deegaanada dowlad Goboleedyada xiligan dalka ka jira.
Dhnka kale Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Avv. Cumar Maxamuud Cabdule Cumar Dhegeey ayaa ka warbixiyay xaaladda doorashada iyo heerka ay iminka marayaan, isagoo tilmaamay in doorashooyinku ay imminka marayaan heer gabagabo ah islmarkaana ay rajenayaan in dhawaan lasoo gaba-gabeeyo.













