Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Axmed Macallin Fiqi oo mudooyinkii ugu dambeeyay kamid ahaa mushariinta u taagan xilka Xildhibaanada aqalka Hoose ayaa maanta Lagu doortay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee dowlad Goboleedka Galmudug.
Doorashada Kursiga 24-aad Beesha Sacad/Cabdalle ee ka dhacday magaalaada Cadaado ee Galmudug waxaa maanta ku tartamaayay musharixiinta kala ah Iimaan Jaamac Yuusuf, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisalaan Xaaji Axmed.
Mudane Axmed Macalin Fiqi Agaasimihii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ayaa helay 45 cod halka musharixii la tartamaayay ee Iimaan Jaamac Yuusuf uu helay 3 cod , hal codna waxaa helay Cabdisalaan Xaaji Axmed , ergada codeysay waa 49-ergo.
Sidoo kale waxaa Maanta Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug Lagu doortay Xildhibaan Ubax Tahliil Warsame oo kamid noqonaysa Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulka Galmudug.

