Wasiir kuxigeenka Dakhliga ee Wasaarada Maaliyada  Puntland oo Garoowe Lagu Dhaariyay+Sawirro

0

Waxaa saaka 27 November 2016 qasriga madaxtooyada Garoowe lagu dhaariyey wasiir kuxigeenka dakhliga ee wasaarada maaliyada Puntland mudane Maxamed Jibriil Caateeye iyo xubin ka tirsan maxkamadda sare ee Puntland Maxamed Cumar Axmed

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan maxkamada sare ee dawlada Puntland iyo qaar kamid ah saraakiisha madaxtooyada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa dhaarta kadib waxa uu masuuliyiinta la dhaariyay kula dardaarmay in ay shaqadooda si daacad ah u gutaan, uguna adeegaan dalka iyo dadkoodaba, islamarkana ay ka feejignaadaan wax walba oo shaqadooda gaabis ku keenaya.

Sidoo kale waxa uu kusimaha Madaxweynuhu masuuliyiinta la dhaariyay illaahay uga baryey inuu ku asturo xilalka loo igmaday, isla ,markaana u sahlo sidii ay ugu adeegi lahaayeen shacabkooda,

”Waxaad qadeen masuuliyad weyn una baahan shaqo lixaad leh, waxaana laydinka doonayaa inaad xilkaasi siday tahay uga soo baxdaan idinkoo eegaya danaha shacabkiina iyo dalkiina, waxaana alleh idiinka baryayaa inuu idinku asturo masuuliyadda laydiin dhiibay” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka dakhliga ee wasaarada maaliyada Puntland Mudane Maxamed Jibriil Cateeye iyo masuulkan ka tirsan maxkamadda sare ee Dawladda Puntland Maxamed Cumar Axmed ayaa waxay ballan ku qaadeen  kuna dhaarteen inay ugu adeegi donaan xilalkan loo igmaday bulshadooda isla markaana ay ka fogaan doonan wax walba oo shaqadooda hakad gelin kara.

–DHAMMAAD–

img_1633 img_1636 img_1638 img_1640 img_1641-2 img_1643 img_1644 img_1646

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here